U bood dhigaalka

C/weli Gaas: Puntland Waxay Diyaar U Tahay Iney Difaacadto Xaduudaheeda.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Tuka-raq, kaasi oo u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo duushay dhul aysan laheyn islamarkaasna aysan sii heysan doonin deegaanka Tuka-raq ee ay ka jirto colaada u dhaxeysa labada Maamul.

“Gooni U goosatada rabto in dalka Soomaaliya kala goyso u soo tafo xeydatay in dhiig Soomaaliyeed daadiyaan xilli dalka uu nabad yahay nabadna loo joogo,  waxaan u sheegayaa Muuse Biixi iyo dowladdiisa gooni u goosadka ah in Puntland ay diyaar u tahay inay xaduudaheeda difaacadto, iskana celiso cid walba oo ku soo duusha, waxay ku socdaan xaqdarro, dhul aysan laheyn ayey rabaan in ay xoog ku haystaan suurto-galna maahan”.

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii dambe ay ka socdeen deegaanka Tuka-raq dagaal u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Somaliland, kuwaasi oo isku heysta cidda maamuleysa Tuka-raq.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada