U bood dhigaalka

Caadil Sheegow Sagaar ” Dagaal Maati Lagu Waxyeeleynayo Waa Arrin Ku Cusub Dhaqanka Soomaalida”

Sheeko:Baarlamaanka

Caadil Sheegow Sagaar oo ah wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamaanka isla markaana ah xubin baarlamaan federaalka ka tirsan oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa dhaqan cusub oo aan hore Soomaali loogu aqoon ku tilmaamay dagaalada kasoo cusboonaaday Shabeelaha Hoose .

Caadil Sheegow oo ku hadlaya magaca xildhibaan ayaa ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay:-

“Dagaaladan Shabeelaha hoose ee soo noqnoqday beelaha walaalaha ay isku dilayaan runtii wax aad noo xanuujinaaya waaye, aad ayaan uga soo horjeednaa dagaal kasta oo beelo u dhexeeyana waan ka soo horjeednaa, khaasatan midkan hadda sida xooga leh uga soo cusboonaaday Shabeelaha Hoose”.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inaan loo kala harin heshiiska dadka walaalada ah :-

“Taa waxaa kasii daran, dhaqan cusub oo horey Soomaalida aan lagu aqoon, dagaal maati waxyeello loo geysanayo dadka caawaanta ah oo aan diin shaqo ku lahayn ayaa lagu yaqaaney dhaqankaas, waa wax aad u fool xun, waxaan ku talin lahayn cid kasta oo waanwaan ka geysan karta ama nabad ka geysan karto inaan loo kala harin sidii walaalahaa loo heshiisiin lahaa si kama dambeys ah”.

Dowladda federaalka ayuu ugu baaqay iney kala dhexgasho ciidanna ay kala dhex dhigto:-

“Dowladda waxaan kula talin lahayn iyadaa ugu weyn iney gacan ka geysato oo ay ciidamo kala dhex dhigto oo ay ilaaliso, guddiyo dib u heshiisiin ah ayaa jiree ay adeegsato, qabaa’illo waxaa jira arrintan kala dhex geli kara ay kala dhex galaan”.

Ugu dambey; Shabeelaha hoose ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaal beeleedyo iyo aano qabiil, iyadoo lix caruur ah iyo ayeydood 2 cisho ka hor lagu gubay gurigii ay ka deganaayeen gobolka Shabeelaha hoose.

Goobjoog News