U bood dhigaalka

Caafimaad Darro Laga Soo Sheegayo Degmada Jalalaqsi Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xaalad caafimaad darro ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, halkaasi oo laga soo tabinayo in aanu lahayn goobo caafimaad oo dadka wax u qabta.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa u sheegay Goobjoog News in degmada ay ka jiraan Nafaqo darro iyo sidoo kale cudurka Duumada, waxaana taasi ay keentay in dad badan ay guryahooda xanuun daro la jiifaan.

“Dadkaan wax qabad ayeey u baahan yihiin, malahan goobo caafimaad, caruur badan ayaa xanuunadaasi u dhimatay, wabiga ayaa kusoo baxay, tuulo walbo wey go’doon san tahay”

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkaasi ay xanuunadaan u dheeryihiin raashiin yari iyo maciishadii oo qaali ah, isaga oo hoosta ka xariiqay hadii aan dadkaan degdeg wax loogu qaban in xaaladda meesha hadda ay joogto kasii dari doonto.

Ugu dambeyn ayuu gudoomiye Fiidow ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in gurmad deg deg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi, kaasi oo isugu jira daawo iyo raashiin.

Goobjoog News