U bood dhigaalka

Caagadaha Biyaha Filtareysan oo Laga Helay “Micropalastics” Baaritaanno Lagu Sameeyay 11 Shirkadood oo Ka Dhisan 9 Dowladood

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday oo uu sameeyay urur aan ribix-doon ahayn ayaa lagu ogaaday in halkii caagad ee biyo ah ay ku jiraan kumanaan jeermiska caagadaha ah ee loo yaqaanno “Micropalastics“.

Daraasaddan oo uu sameeyay Orbmedia oo kaashanaya jaamacadda dowladda Mareykanka ee New York, ayaa waxaa lagu baaray 259-caagadood oo plastic ah oo ay soo saareen 11-shirkadood oo caalami ah oo ka dhisan 9-dal oo daafaha kala duwan ee dunida ku kala yaalla.

Natiijada kasoo baxday waxay noqotay in cagadahaa laga helay gudahadooda Microplastics, Nylon iyo polymers intuba dhibaato ku ah nolosha aadanaha..

Microplastics laga helay ayaa u dhigma 0.1mm, waxaana lagu helay iyadoo la adeegsanayo shucaaca Infrared-ka loo yaqaanno. Waxaa kale la helay jeermis aad u yaryar.

Website-ka Homecare ee dalka Ingiriiska laga leeyahaya ayaa Khamiistii qoray in daraasadani ay daahrogtay in 90% caagadaha la baaray ay ahaayeen kuwo wasakhaysan oo Microplastics ah ay ka buuxdo, iyagoo tilmaamay in ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay inuu dib u eegayo khatarta caafimaad ee Microplastics-kaasi caagadahu ay ku yeelan karaan nolosha aadanaha.

Jariidada The Guardian ayaa dhankeeda sheegtay in dadka cilmibaarayaasha ah ay heleen plastic ku laba laabma kan biyaha tuubbooyinka ee laga dayriyo.

Jariidada ayaa tooshka ku ifisay in wadama cilmibaaristani ay sida gaarka ah biyaha caagadahooda u baartay ay ka mid yihiin; US, China, Brazil, India, Indonesia, Mexico, Lebanon, Kenya iyo Thailand.

Goobjoog News