U bood dhigaalka

Caalim “Baarlamaanku yaanu niyad jabin shacabka”

Sheeko:Dalka

Falanqeeye Siyaasadeed ayaa sheegay in mooshin laga keeno xukuumadda uu rajo dili karo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim ayaa sheegay in baarlamaanka iyo xukuumadda laga doonayo inay dejiyaan xaaladda oo ay wax badan ka eegaan xaaladda uu dalka ku sugan yahay.

Waxaa uu sheegay in dhowr Ra’iisul Wasaare lagu riday wax aan micno badan lahayn islamarkaana dalku uu muhiim yahay inuu horay u sii dhaqaaqo.

Diblumaasiga ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay isfaham siyaasadeed oo xukuumadda iyo baarlamaanku ay la yimaadaan si khilaafka looga gudbo.

“Waxaa muhiim ah in lala yimado isbedal siyaasdeed degdeg ah, in meesha laga saaro waxa ka dhex taagan xukuumadda iyo baarlamaanka, dadku rajo aad u wanaagsan bay qabaan, waxay doonayaan iney helaan isbedal dhab ah, balse haddii meesha laga saaro xukuumadda waxaa imaan doonta kalsooni darro shacabka ah” ayuu yiri Caalim.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa la sheegay iney diyaariyeen mooshin ka dhan ah xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News