U bood dhigaalka

Caalim “Guddiga La Dagaalanka Musuqa Haloo Soo Bandhigo Si Daah Furnaan Ah”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo in si daah furan u dhisto guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay Caalim in guddigan tiro ahaan aan laga dhigi Sagaal xubnood, balse la gaarsiiyo illaa 50 qof oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dowladda ayuu sheegay iney tahay tan laga baarayo Musuqa, sidaasi darteedna xubnaha guddigan muhiim yihiin iney ka yimaadaan maamul goboleedyada, culimada, dhallinayarada iyo Haweenka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News