U bood dhigaalka

Caalim “Labo Sano Oo Khasaartay Ayaa Ina Soo Martay” (Daawo)

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in dowladda federaalka aanay waxbo qaban Labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxa uu sheegay in Labadaasi sano ay khasartay, dowladana aanay qaban waxyaabihii ay dadku ka filayeen.

Wuxuu sheegay in aanay waxbo ka qaban arrimaha dhaqaalaha, dalkana ay gelisay dhaqaale xumo middii ugu darneyd ebed.

Aqoonyahan Caalim ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay siyaasadda dibadda iyo sidoo kale midda gudaha.

Halkaan hoose ka daawo:


Goobjoog News