U bood dhigaalka

Caalim: Wey Adagtahay Soomaaliya In Ay Ka Dhacdo Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo wareysi siinayay Goobjoog News ayaa sheegay in sanadka 2020-201 aysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah isaga oo tilmaamay in madaxda dalka waqtigooda ugu badan ay ku lumiyeen khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedka dalka ka jira.

“maadaama sanadkii seddexaad ay maalmo ka dhimanatahay madaxweyne Farmaajo xilligii xilka loo dhaariyay, wey adagtay in 11-bilood ay wadanka doorasha hal qof iyo hal cod ah ka dhacdo, marka haddii aysan jirin goob doorasho iyo aqoonsi qofka wax dooranayay iyo tira koob dadka wax dooranaya, waxa ay iila muuqata in doorashada sanadka 2020-2021 ay adkaan doonto” ayuu yiri aqoonyahan Caalim.

Dhanka kale aqooyahankan ayaa tilmaamay in siyaasadda dalka ay tahay mid qasan waxa uuna ku sababeeyay in ay tahay dastuurka ku meel gaara ah ee dalka oo uu sheegay in dhamaan madaxdii hore xilka looga qaaday.

Aqoonyahan Caalim ayaa yiri “Siyaasaddu wey qasan tahay dastuurka wadanka waa ku meel gaara isagaana xilalkii looga qaaday Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh laguna doortay Farmaajo, marka qalalaasaha siyaasadeed waxaa keenaya dastuurkan qabyada ah”

Madaxda haatan talada haysa ayaa waxa ay ku adkaysanayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaana dadka siyaasadda Soomaaliya falanqeeya ay sheegayaan in arrintaasi ay tahay mid aan suurta gali Karin maadaama dalku uu ku jiro xaalad amni darro.

Goobjoog News