U bood dhigaalka

Caalimka Stephen Hawking, oo 76 Jir Ku Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Stephen Hawking, oo caan ku ah physicis-ka  ahaana safiirka  sayniska casriga ah, una dhashay dalka Ingiriiska ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, Stephen Hawking waxaa dunida ku soo kordhiyay aragtiyo ku saabsan xagga jiritaan koonka.

Waxaa uu leeyahay aragtiyo sheegaya in ay muhiim tahay Banii’aadamka 30 sano gudahood uga guuro dhulka dushiis

Tani markii ugu horreysay maaha ee Hawking uu ku baaqo in deegaanno kale oo aan dhulka ahayn la raadiyo. Caalimkan ayaa shacbiyaddiisu korortay kadib markii uu qoray buuggiisa “Taariikhda kooban ee Xilliga” April, 1988, kitaabkaas oo loo tarjumay illaa Tobaneeyo luqadood laga daamcay in ka badan 10 milyan oo nuqul.

Stephen Hawking, isaga oo 21 jir ah waxaa ku dhacay cudur xagga neerfaha ah, sanadkii 1963-dii, laakin taasi waxba kama badalin inuu noqdo caalim weyn oo dunida laga ixtiraamo, lagana faa’ideysto.

Goobjoog News