U bood dhigaalka

Caalim”Laamaha Amniga Xoogga Ha Saaraan Sidii Loo Yareen Lahaa Qaraxyada”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay ka hortagga wax walba oo qatar ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in madaxda dalka ay tahay in si dhab ah u qaadaan mas’uuliyadda shacabka, kana hortagaan wax walbo oo dhib ku ah shacabkaasi.

“Madaxda dalka iyaga ayeey waajib ka saaran tahay badbaadinta shacabkooda, sababtoo ah iyaga ayaa u dhaartay” ayuu yiri Caalim.

Sidoo kale, aqoonyahan Caalim ayaa sheegay in laamaha amniga dhankooda laga doonayo iney ku dedaalaan ka hortagga qaraxyada ayna sameeyaan feejignaan dheeraad ah.

“Laamaha ammaanku waa dhankooda dedaal bixiyaan oo ay ka feejignaadaan waxyaabaha amniga wax u dhimaya, kana fekeraan sidii ay u yareen lahaayeen qaraxyada” ayuu yiri Caalim.

Dowladda federaalka ayaa aad u adkeysay ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana magaalada lagu soo daadiyey ciidamo badan.

Goobjoog News