U bood dhigaalka

Caalin Oo Dhibaatada Galmudug Ku Sheegay Mid Federaalka Heysata

Sheeko:Dalka

Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaa madaxweynayaashii soo maray Galmudug ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay khilaafka ka jira maamulkaasi.

Waxaa uu tilmaamay in hadda uu khilaaf soo kala dhxegalo madaxda maamulkaasi ay tahay wax laga xumaado dhibaatadaasna ay wada taabaneyso dhammaan umadda reer Galmudug.

“Arinta Galmudug dhibaatada iyo Khilaafka ka jira runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay,waana wax laga xumaado oo umadda reer galmudug dhammaanteed wadataabanay”.

Caalin oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu intaas ku daray in Khilaafka Galmudug uu salka ku hayo arrinta Fadaraalka oo inta badan aysan fahansaneyn shacabka Soomaaliyeed nidaam ahaan iyo sharci ahaamba.

Hadalka Maxamed Caalin ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli wali ay ka jiraan maamulka Galmudug khilaafyo siyaasadeed ku waas oo ka dhex taagan madaxda ugu sarreeya maamulka.

Goobjoog News