U bood dhigaalka

Caanaha Geela oo Faa’idooyinkiisa Cunto iyo Midkiisa Caafimaadba Looga Baraarugay Dunida

Sheeko:Caafimaadka

Caanaha Geela ayaa noqday xilligan hadda la joogo caano lagu baraarugay oo cilmibaarisyo farabadanna laga sameeyay, waxaa la ogaaday inuu ugu dhaw yahay caanaha hooyada dhanka ubadka isla markaana uu u wanaagsan yahay cudurro farabadan oo dunida ka jira.

Iyadoo ay jirto in caanaha Geela uu muhiimad gaar ah  u yahay nolosha in badan oo Soomaali ah ayaa hadana waxaa loo adeegsan jiray dano caafimaad oo aad u farabadan, waxaa dhankaa inagala mid ahaa dadka deegaannada Bariga dhexe iyo wadamo Afrikan ah qaarkood oo geela sida aan u dhaqanno u dhaqda.

Geela qiimaha uu leeyahay waxaa hadda ku baraarugay bulshada caalamka oo hadda cilmibaarisyo farabadan ka sameysay, waxaana la ogaaday in Geelu yahay kan ugu dhaw caanaha hooyada isla markaana uu leeyahay faa’idooyin farabadan oo dhanka caafimaadka ah.

Cilmibaarayaasha u dhabogalay waxay ogaadeen in Geelu yahay sida ceelshidaal ah oo kale ama keyd dahab ah oo ciddii haysataa si weyn uga faa’idi doonto, xilliyada soo aaddan.

Caanaha geelu waxay ku asteysan yihiin iney leeyihiin midab caddaan ah oo tiq ah oo macaan iyo dhadhan culus oo soo jiidasho leh, waxoogaa cusbo ah ayaad ka dareemaysaa, kala dhuwanaashiyaha dhadhanka caanaha waxay ku xiran tahay kolba calafka uu daaqo.

Haddii aan eegno faa’idooyinka dhanka cuntada ee caanaha Geela, 3.1% Protein, 4.4% waa sokorta lactose, 0,79% macdan, isku dar maadooyinka adkaha ah ee caanaha ku jiraa waxay gaarayaa illaa 11.9%, waana in u dhaw hooyada caaneheeda, biyaha ku jira caanaha waa 84-90%, iyadoo kala duwanaanshiyuhu ku xiran yahay kolba sida hasha la lisayaa ay u kala biyo cabid badan tahay, waxa uuna aad ugu wanaagsan yahay caruurta yaryar, gaar ahaan marka uu gaaro halsanno waxa ka badan.

Faa’idooyinka caanaha Geela iyo Adeegsigooda Dhanka Caafimaadka

Faa’idooyinka laga helo caanaha Geela lama qiyaasi karo, waxa uu wax ka taraa cudurrada dheefshiidka, Hepatitis-ka, shubanka uu keeno Virus Rota, Qaaxada, kansarka, sonkorowga, Cirrhosis-ka beerka, rickets-ka, autism, iyo cudurka Crohn-ka, iyadoo u adeegsiga cudurradani aaney ahayn inaad sida ay kula tahay u isticmaasho laakiin qaabab kala duwan loogu adeegsanayo, dadka khibradda u lehna lagala tashanayo.

Geeljire Soomaaliyeed oo aan magaciisa xusin ayaa ka hadlayay faa’idada caanaha Geela ayaa yiri; “Waa hay’adda Caafimaadka Soomaaliya, qofka Kaneecadu ku dhacdo, qofka waayeelka ah ee amista cuni kariwaaya, kobcinta caruurta, indhaha, cudurrada aan dawada lahayn oo laga helo dhirta daawadeeda isagoo 114 geed ah  cuna, dhirta kore iyo tan hoosana daaqa”, waana arrimaha lagu ogaaday cilmibaarisyada dunida laga sameeyay.

 

Goobjoog News,