U bood dhigaalka

Caasimadda Maamulka Hiiraan Iyo Sh/dhexe Oo Laga Dhigay Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gebi ahaanba la isku uafgartay in caasimadda maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan laga dhigo magaalada Jowhar oo hadda uu ka socdo shirka maamul u sameynta.

Ergada shirka ee matalaysa dhammaan beelaha deggan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku raacay in caasimadda maamulka laga dhigo magaalada Jowhar.

Codeyntani ergada ay caasimadda maamulka uga dhigeen magaalada Jowhar waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka kala socota wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka iyo urur goboleedka IGAD.

Caasimadda maamulkaan labada gobol ayaa horey wareegto kaga soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu sheegay inay noqonayso magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Inkastoo aysan jirin wareegto kale oo xafiiska madaxweynaha ka soo baxday oo sidaasi sheegeysa in laga laabtay ayaa haddana ergada ay u codeeyeen in caasimadda maamulka ay noqonayso magaalada Jowhar.

Shirka maamul  u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa horey  u diidanaa siyaasiyiin, xildhibaanno iyo odayaal dhaqan oo dhowr jeer Baladweyne ka sheegay in gobolka Hiiraan kaliya ay u dhisanayaan maamulka goboleed.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan ergada shaacisay caasimadda maamulka inay ka dhigeen magaalada Jowhar wallow horey wareegto madaxweyne loogu magacaabay magaalada Buuloburde.

Goobjoog News