U bood dhigaalka

Cabashooyin-ka Duqeynta Kenya ee Gedo iyo Khasaarooyin Laga Sheegayo

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxaa weli soo gaaraya dhibaatooyin ay sheeganayaan dadka reer Gedo, dadkan ayaa in muddo ah ka cabanaya duqeyn ay sheegeen in ay wadaan ciidamada cirka Kenya.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 kalena ay ku dhaawacmeen kadib duqeymo ka dhacay deegaanno kamid ah gobalka Gedo.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa fuliyay duqeymaha ay dadkani ku dhinteen kuwaasoo ka dhacay deegaanno miyi ah oo hoostaga magaalada Baladxaawo ee gobalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa aad uga baqdin qaba inay saameeyaan duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ee weli wada duqeymaha, dhibaatadan ayaa socoto muddo todobaadyo ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda qaadin wax tilaabo ah oo lagu joojinayo ciidamada Kenya oo rayidka Gedo ka  aargoosanaya.
Goobjoog News