U bood dhigaalka

Cabdi Cumar Oo Codsi U Diray RW Abiy

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa codsi ku aadan in xoriyaddiisa uu dib u helo u diray hoggaanka xukuumadda federaalka ee dalkaasi.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa  hadal uu ka jeediyay maxkamad ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Addisababa wuxuu codsaday in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu cafiyo isaga iyo dadka kale ee la xabbisan.

Maxkamadda oo markii seddexaad uu hor yimaado MW hore Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareennada maxkamadda ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo Raysal wasaare Abiy, si uu cafis ugu fidiyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaali Galbeed ayaa muddo dhan 42 maalin u xiran xukuumadda federaalka Itoobiya iyadoo bishii hore laga qabtay magaalada Addisababa markii loo jeediyay eedeymo ku xadgudub beni’aadanimo.

Dhowaan ayay ahayd markii uu cabasho ka keenay in isaga iyo xubnaha kale ee  la xiran aan qoraxda la tusin, islamarkaana ehelkiisa ee soo booqda lagu qasbo inay ku hadlaan afka amxaariga.

Dacwad oodayaasha ayaa dalbaday in la siiyo muddo hal todobaad ah si ay ugu  keenaan caddeymo sax ah oo la xiriira eedaha loo heysto.

Goobjoog News