U bood dhigaalka

Cabdi Guuleed Maxamed “Doorashada Dalka waa in ay ku dhacdaa si daahfuran”

Sheeko:Dalka
 Wasiir hore , ahaana Wasiirka Gadiidka Cirka iyo dhulka isla markaana ahaa ku simaha iyo sii haya Ra’iisulwasaaraha Dowladdii KMG ee Carte Mudane Cabdi Guuleed Maxamed ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada dalka ay ku dhacdo si daahfuran.
Mudane Cabdi Guuleed waxa uu sidoo kale ku soo hadal qaaday wareysi uu siiyay Goobjoog News dadaal dheer loo soo maray in la soo gaaro , halka maanta la joogo.
Intaas waxa uu hadalkiisa ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in la yimaadaan dulqaad si loo gaaro horumar Mar uu ka hadlayay xaalada Gobolka Gedo waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in la dulmiyo shacabka Gobolkaas ama la galiyo loolan siyaasadeed.
Dhallinyarada Gobolka Gedo ayuu sheegay Mudane Cabdi Guuleed Maxamed in ay yihiin xoog dadaal badan u galay in aan lagu xadgudbin xuduudaha dalka oo hadda ka hor ay jabiyeen oo ay burburiyeen isku day Kenya ay ku doonayso in derbi ay ku dhisto xuduuda , iyada ku soo xadgudbaysa xadka dalka.
Hoos Ka Daawo ‘’WAREYSIGA’’ Mudane Cabdi Guuleed Maxamed oo dhinacyo badan taabanaya. Dadkii ku geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay makhaax
Aa
Mawduucyada:Waraysi