U bood dhigaalka

Cabdi Iley Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay sheegayaan inuu is casilay madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Maxamed Cumar.

Xubno u hadlay xisbiga talada haya ee DDSI ayaa sheegay inuu is casiley Iley, xilkaasina loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase

Iley ayaa xilkan hayey sanado badan hase ahaatee waxa uu xilligan cadaadis kaga yimid dowladda federaalka Itoobiya.

Rabshado xooggan ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga waxaana ka dhashay rabshadahan dhimasho iyo dhaawac.

Milatariga Itoobiya ayaa ku sugan gudaha maagaalada Jigjiga iyadoo weli amniga magaaladu aanu sal fadhin.