U bood dhigaalka

Cabdi Maalik Coldoon Hooyadiis: Wiilkeyga Waxaa Loo Xiray Taageerada Farmaajo, Anigaba Farmaajo Waan Taageeraa

Sheeko:Dalka

Maamo Faadumo Rooble Xuseen oo ah hooyada dhashay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa Goobjoog News u sheegtay in wiilkeeda lagu xiray magaalada Hargeisa, iyadoo lagu eedeeyay in uu ku jiray ololaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maamo Faadumo waxaa ay intaasi ku dartay in hey’adaha ammaanka ay soo waceen una sheegeen in laga doonayo CID-da Hargeisa si arrimaha wiilkeeda wax looga weydiiyo, arrintaas oo ku adag sida ay sheegtay.

Maamo Faadumo Rooble oo codkeeda xabeeb ka muuqatey isla markaana carreysan ayaa waxaan weydiinay, haddii wiilkeeda uu aamisan yahay Somaliweyn iyo Farmaajo sababta ay uga reebi weyday si aanu dhib u soo gaarin?

“Anigaaba  Taageersan Farmaajo iyo Soomaaliye  maxaan ka reebaa” ayey ku jawaabtay Maamo Faadumo Rooble Xuseen.

Cabdi Maalik Sh. Muuse Coldoon waxaa maanta lagu xiray magaalada Hargeisa kadib markii uu ka laabtay doorashada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News