U bood dhigaalka

Cabdi Maxamed Cumar “Al-shabaab Fursad Kale Yaan Loo Siin Iney Shacab Laayaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka degaanka Soomaalida Itoobiya (Soomaali Galbeed) Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka hadlay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad uga xunyihiin falkaasi.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay muujiyeen iney kaliya u tagan yihiin laynta shacabka Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Maxamed Cumar tilmaamay in cid walbo oo ku hadasha Afka Soomaliga laga doonayo iney u midowdo ciribtirka Al-shabaab.

“Al-shabaab fursad kale yan loo siin iney shacabka Laayaan, waad ogtihiin wixii ka dhacay Muqdisho, boqolaal qof ayaa Hal mar la laayay, annaga aad ayaan uga xunnahay in walaalaheenna la dhameeyo, an u duceyno intii dhimatay, waana in mid loo noqdaa laynta Al-shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha.

In ka badan 300 oo qof ayaa ku dhimatay qarax 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News