U bood dhigaalka

Cabdi Qaasim: Ilama aha in doorasho ka dhacdo dalka 2016-ka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdi Qaasim Salaad Xasan
Cabdi Qaasim Salaad Xasan

Madaxwaynihii hore ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa rajo xumo ka muujiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo qof walba codkiisa ku dhiibto.

Waxa uu sheegay in marxalada dalka uu ku jiro aanay suura gal ahayn doorasho in ay dhacdo waxaana uu sheegay in dalka weli maamul ahaan aanu isku hagaagsanayn.

Cabdi Qaasim ayaa dhanka kale mar uu ka hadlay nidaamka Federaalka ah waxa uu sheegay in Soomaaliya aanay ka mid ahayn dalalka loogu tala galay Federaalka.

Cabdi Qaasim ayaa ku tilmaamay nidaamka Federaalka ee ay qaadatay dowladda qalad la galay xilligii la qaatay.

“ Suurta gal mahan in doorasho ka dhacdo Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo iyo Gaalkacyo marka hore waa in la heshiiyo kadibna loo dhaqaaqo doorasho.” Ayuu yiri Cabdi Qaasim.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celceliyay dhowr jeer in ay ka dhabeynayaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xor ah oo shacabku u dareeraan.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Qaasim: