U bood dhigaalka

Cabdi Qaasim Salaad oo dhaliilay hannaanka dowladdu u marayso hub-ka-dhigista

Sheeko:War
Cabdi Qaasim Salaad Xasan
Cabdi Qaasim Salaad Xasan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ku baaqay in wax laga bedelo qaabka ay dowladdu u marayso hub-ka-dhigista ee laga fulinayo dalka Soomaaliya.

Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in aanay dow wanaagsan ahayn in  la weeraro xildhibaan Qaran, iyadoo uu socdo qorshe hub-ka-dhigis  lagu samaynayo.

Mudane Cabdiqaasim ayaa  shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in dowladdu la timaado  talaabooyin ka duwan sida ay iminka wax ku socdaan, si ay u suura gasho in hubka laga dhigo shacabka iyadoo aanay dhicin wax iska hor imaad ah oo keeni kara xiisad aan fiicnayn.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka ugu baaqay inay dowladda ku gacan siiyaan xaqiijinta amniga dalka.

Ciidamada nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday howl galo lagu bar-tilmaansanayo  guryo iyo shaqsiyaad gaar ah, kuwaasoo lagu tuhmayo in ay haystaan hub fara badan.

Ciidamada nabad sugidda ayaa iska caabin kala kulma meelaha ay howl galka  ka fuliyaan , taasina ay keento mararka qaar khasaare isugu jira naf iyo maal.