U bood dhigaalka

Cabdi Qaybdiid: ” Waa in Laga Wada Qeyb-qaato Dhismaha Isbitaalka Dhuusmareeb”

Sheeko:Caafimaadka

Senetor Cabdi Xasana Cawaale Qeybdiid Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta isaga iyo wafdigiisu waxaa ay booqdeen Isbitaalka guud Dhuusamareeb.

Senetorka ayaa xusay in Isbtaalka guud ee Xanaano uu baahan yahay in dib u dhis balaaran lagu sameeyo, isaga oo dalbaday in laga qeyb qaato sidii isbitaalka isbadal loogu sameyn lahaa maadaama uu ka muuqdo dayac badan,waxaana uu intaas raaciyey in isbitaalka uusan helin kaalintii dowladda ee ku aadaneyd wax ka qabashada dhibaatada isbitaalka.

Sidoo kale Senoter Cabdi Xasan Cawaale ayaana uu mahad celiyey maamulka isbitaalka oo muddo u soo adkaystay duruufo adag oo ay ugu adeegayeen bulshada ku noool gobalka Galgaduud, iyaga oo aan helin maalgelin guud, haddana loo baahan yahay in loo istaago sidii isbitaalka uu noqon lahaa isbitaal caalami ah.

“Warbixinta ay nasiiyeen maamulka iyo Dhaqaatiirta runtii waxaan ka ogaanay in dadaal badan sameeyeen waxaan aad iyo aad uga mahad celinaynaa dadaalka badan ay ku soo wadeen oo mutadawacnimo ahaa, waana ognahay isbitaalka in uusan helin maalgelin guud oo shacbiga Soomaaliyeed,dowladdii Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ah in uu midna ka helin wixii lagu dabooli lahaa baahida balaaran ee ka jirta Isbitaalka”ayuu yiri senetor Cabdi Xasan Caawaale.

Dhanka kale Senetor Cabdi Xasan Cawaale ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaad xukuumada federaalka Soomaaliya iyo hey’adaha caafimaadka ka shaqeeyo in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska isbitaalka Xanaano oo daryeel caafimaad ay ka helaan blshada ku dhaqan deegaannada kala duwan dowlad gobaleedka Galmudug. waxaana uu yiri.

“Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomalaiya, hey’adaha caalamiga ah ee caafimadka ka shaqeeyo,bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ka soo jeeda deegaannada Galmudug in isbitaalkaan waxa lagama maarmaanka u ah oo ay ka mid tahay in uu shaqadii uu bulshada u haayey uu u qabto in gacan la siiyo oo cid weliba isxilqaanto haddii tahay ganacsato ama bulshada qeybaheeda kala duwan waa in loo istaagaa”

Ugu dambeyn Seneter Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in Galmudug dowlad gobaleed iyo maamul cusub, waxaana uu ugu baaqay in bulshada dhan ay u wada istaagto dib u dhis isbitaalka guud ee Dhuusamareeb.

“Marka waxaan leenahay in arrintaan loo soo jeesto, waan rajeyneynaa maadaama meeshaan hadda uu dowlad gobaleed cusub uu ka dhismay waan rajeynaynaa in hey’adihii ay soo bilaaban doonaan isbitaalkan uu helayo waxaa uu u baahan yahay” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey Seneter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Goobjoog News