U bood dhigaalka

Cabdi Qeybdiid oo Ciidamada Galmudug Kula Dardaarmey in Ay La Shaqeeyaan Madaxda Cusub (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ka mid ahaa musharixiintii looga adkaaday tartankii doorashooyinka Cadaado ayaa booqdey xero ciidan oo ku taala magaalada Gaalkacayo, halkaasi oo uu kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidamado isaga taabacsan.

Cabdi Cawaale ayaa ciidamada u sheegey in ay ayidaan hoggaanka cusub ee Galmudug yeelatay, wuxuuna yiri “Mar haddii aan soo wada shaqeynay mudadii sedexda sano ahayd, waxaan rabaa in aan idiin mahadceliyo illaahay kadib, inaga oo og duruufo jirey, haddane in guutanaadi ay iska adkeysatay, waxaan rabaa sidii aad iila shaqeyseen in aad ola shaqeysaan madaxda cusub” .

Dhanka kale Cawaale oo ka hadlay hadalo kasoo yeerey maamulka Puntland ayaa sheegey in walaala Puntland ay ka gaabsadaan waxyaabaha qaarkood, adkeeyaane nabadda dhex taala dadka dariska ah ee walaalaha ah.

Qeybdiid waxa uu horey u sheegey in uu ciidamadiisa iyo dhamaan xafiisyadiisa ku wareejinayo hoggaanka cusub ee Galmudug ee loo doortey Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Goobjoog News

Qeybdiid 2 qeybdiid 3 Qeybdiid