U bood dhigaalka

Cabdi Qaybdiid: Wasaaradda Dastuurka Shaqadeedu Waa Fududeyn

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Duddiga Lasocodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaalle Qaybdiid oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in guddigoodu uu ka kooban yahay ilaa 16 xubnood, 10 ka timid labada aqal iyo 6 xubin oo mataleysa dowlad goboleedyada, Guddiga Dib-u-eegista iyo Lasocodka Dastuurta waxaa ay shaqadiisu tahay  in qodobbada dastuurka la eego, si wax ka beddel iyo wixii lamid ah loogu sameeyo.

Cabdi Qaybiid, waxaa uu ka hadlay in Wasaaradda Dastuurka Federaalka ay leedahay uun fududeyn sida uu sharciga qabo, isaga oo intaasi raaciyay in dastuurkan guddiga  labada aqal laga sugayo si baarlamaanka loogu gudbiyo.

Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee labada aqal Cabdi Qaybdiid,  waxaa uu ka hadlay in kalfadhiga 3-aad ee 10-ka bisha furmaya ay Baarlamaanka federaalka ah hordhigi doonaan qorshe howleedka labada guddi iyo sida la rabo in loo soo gabagabeeyo lasocodka iyo dib-u-eegista dastuurka, qodobbada horay looga soo shaqeeyayna ay diyaarsan yihiin, waxaa kale oo u harsan 3 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.

Goobjoog News