U bood dhigaalka

Cabdi Qeybdiid: Shacabka Galmudug ayaan kala shiraynaa maamul u sameynta gobolada dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in shacabka gobolka Mudug uu shirar kala yeelan doono arimaha ku saabsan maamul u sameynta gobolada dhexe.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shalay dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay kulamo la qaadan doonaan kuwaas oo ku saabsan arinta maamulka.

Madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa carabka ku adkeeyay in dadka shacabka ah ay u gudbin doonaan heshiiskii ka dhacay madaxtooyada oo lagu go’aamiyay in la mideeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Cabdi Qeybdiid ayaa Gaalkacyo ku tagay safar dhulka ah kadib markii uu hakad ku yimid shaqada garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo xiisado ka dhex dilaacay Puntland iyo Galmudug awgeed.

Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah maamulada saxiixay heshiiska lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka dhageyso codka Qeybdiid: