U bood dhigaalka

Cabdi Qeydiid Oo Noqday Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka, Faroole Ayuu Ka Adkaaday

Sheeko:Dalka

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa noqday guddoomiyaha guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu tartan uga adkaaday Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Codeynta 10 Xildhibaan oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka tirsan waxaa ay u dhacday Cabdi Qeydiid oo helay 6 cod halka Cabdiraxmaan Faroole helay 4 cod.

Cabdi Xasan Cawaale waxaa horay u soo noqday hogaamiye kooxeed iyo madaxweynaha maamulka Galmudug halka Faroole uu ahaa madaxweynaha maamulka Puntland, labadaba hadda waxaa ay ku wada jiraan aqalka sare ee Soomaaliya.

Goobjoog News,