U bood dhigaalka

Cabdi Xakiin Dhoobo oo loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Putnland

Sheeko:Baarlamaanka

Magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulka Putnland waxaa maanta ka dhacay doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee Putnland.

Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray labo Musharax oo kala ahaa C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.

Cabdi Xakiin Dhoobo ayaa wareegga 1aad helay 37 cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan  uu helay 15 cod,  iyaga oo halkaas ku hareen Xildhibaan Cabdi raxmaan Cali oo helay 9 cod iyo Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf oo helay 5 cod.

Waxaa wareegii 2aad ku tartamay labada xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal , iyaga oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Dhoobo oo helay 43 cod halka Xildhibaan Cabdijaamaal uu helay 23 cod, sidaasui ayuu Dhoobo guddoomiyaha wakiilada ku sii ahaan-doonaa 5ta sano ee soo socota.

Waxaa hadda la sugayaa, doorashada ku-xigeennadiisa, halka kala soco Natiijada

Goobjoog News