U bood dhigaalka

Cabdinuur Daahir: Suurtagal Ma Ahan in Dalka Ay Ka Dhacdo Doorasho Qof iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul khadka Skyp-ka ugu warramay Goobjoog ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah.

Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxaana sidoo kale Cabdinuur uu ku daray sababihiisa in xilligaan uu jiro cudurka COVID-19 oo doorashooyin badan dartii dib loogu dhigay waxa uuna yiri “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga  hal qof iyo hal cod  hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii  oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas”.

Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin.

“Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdinuur Daahir.

Ugu dambeyn Cabdinuur ayaa madaxda dalka iyo dhamaan saamileyda siyaadda Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay inay dhexda u xirtaan sidii looga hortagi lahaa xanuunka COVID-19 oo dunida fara ba’an ku haya.

Dadka sida aadka ah u falanqeeya arrimaha doorashooyinka ayaa qaba in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah xilli dowladdu ay ku adkaysanayso in doorashadaasi ay dalka ka qabsoomi karto.

Goobjoog News