U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Oo Ku Baaqay In Dib Loogu Laabto Sida Loo Qeybiyey Xubnaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maalmahan dambe  taagnaa doodda ah aqalka sare iyo sida loo qeybsanayo oo beelaha iyo maamullada qaar ay saluugeyn halka loo maray awood qeybsigaas ayaa siyaabo kala duwan waxaa uga hadlay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qalad ay tahay in bulshada deggan gobalka Banaadir in lagu qadiyo aqalka sare.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arrin sharciga hareermarsan ay tahay in dadka ku nool Muqdisho aqalka sare lagu qadiyo.

“In maanta la yiraahdo dadka deggan Muqdisho xaq kuma lahan aqalka sare waa xad gudub lagu sameynayo dad ka badan Labo Milyan oo qof, dastuurkana way ka hor imaanaysaa arrintaas” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa madaxda dowladda ugu sarreysa iyo kuwa madashaba u jeediyay in ay dib ugu laabtaan awood qeybsiga aqalka sare oo magaalada Muqdisho la siiyo xubnaha ay xaqa u leedahay.

“Waxaan leeyahay dib ugu laabta sida loo qeybiyay aqalka sare, maxaa yeelay arrintaa waxay keeni kartaa colaad hor leh waxaana leeyahay hala diido aqalkaasi sababtoo ah arrintaas lama aqbali karo” ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Dhismaha aqalka sare ayaa jahwareer siyaasadeed uu ka taagan yahay iyadoo maamullada qaarna ay horay uga soo horjeesteen sida loo qeybiyay waxaana wararku ay sheegayaan in dhismihiisa uu buuq hareeyay.

Goobjoog News