U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Dacar“Soo Celinta kooxda Dowlada Hoose Ee Muqdisho Waxa Ay Qaadtay Mudo Afar Sano”

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka gobolka Banaadir ayaa 25-November dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho City Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay wax qabad wanaagsan kusoo bandhigtay tartamadda kubbadda cagta gudaha,Jaamacada carabta,Bariga iyo Bartamaha.

“Dib usoo nooleenta kooxda Dowlada Hoose ee Muqdisho waxa ay qaadtay mudo afar sano ah waxayna soo wada martay gudoomiyaasha kala duwanaa ee soo maray xafiiska Gobolka Banaadir waan u mahad celinaynaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay dib usoo celinta kooxda dowlada hoose ee Muqdisho”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha u sheegay la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar).

Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda caasimada oo marar badan codsaday soo celinta magacii taariikhiga ahaa ee Muqdishio City Club ayaa u mahad celiyay shaqsiyaadkii gacanta weyn ka geestay arintan,iyagoo dhinaca kale balan qaaday in ay diyaar u yihiin talo iyo horomar ku aadan kooxdoodii ay usoo ciyaareyn.

“Waxaa jiro heshiiyo ay horay u galeyn kooxda dowlada hoose ee Muqdisho iyo naadiga Ac-Milan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubbadda cagta dalka Taliyaaniga waxaan gacanta ku hayaan heshiiyo badan oo horay u dhaxmaray labada dhinac iminka waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino dhamaan kaalintii ay kooxda caasimada ay ku laheyd caalamka iyo dalalka dariska ah ee Afrika”waxaa sidaas Goojoog uga waramaya  Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir.

Naadiga dowlada hoose ee Muqdishio waxa ay ku guulaystay 3-jeer oo horyalka kubbadda cagta iyo 3-jeer oo koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse,halka intii u dhaxaysay 1986-1987 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta,iyagoo kaalin wanaagsan kasoo hooyay ciyaarihii ay ka qeyb galeyn.

“Fursada ugu weyn ay haystaan xidigaha iyo macalimiinta iminka ku dheelya magaca dowlada hoose ee Muqdisho ayaa ah in ay helaan xaquuq rasmi maadaama Gobolka Banaadir dhaqaalo soo galo lagu maamulo dhamaan gobolada dalka tani waaa guul iyo horomar ku aadan horomarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir” waxaa Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay Daa’uud Axmed Dheere oo ah layliyaha kooxda kolayga ee Muqdisho.

Horaanta sanadka cusub ee 2019 ayaa laga yaabaa in kooxda dowlada Hoose ee Muqdisho ay la ciyaarto kooxda Dekedda Somali Supper Cup madaama kooxdii hore ee Banaadir SC ayaa hanatay koobka Jeneraal Daa’uud,halka wiilasha Dekedda ay iyagana labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ay ku guulaysteyn horyaalka Somali Premier Legaue waana tijaabada uga horeesaya ee laga sugayo kooxda dowlada hoose ee Muqdisho.

Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Dib Usoo Celinta Kooxda Dowlada Hoose Ee Muqdisho

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/340989109813173/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle