Cabdiqaadir Maxamed Cashir Nadaara
Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa todobaadkan waxaa uu la taliyihiisa dhanka warbaahinta u magacaabay weriye Cabdiqaadir Cashir Nadaara.
Hadaba, Nadaara waxaa uu goor sii horeysay Goobjoog News uga sheekeeyay Taariikh Nololeedkiisa.
Cabdiqadir Maxamed Cashir(Nadaara), waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishu 1975-tii,
Waxbarashada:
Dugsi Hoose/dhexe: Dhagaxtuur
Dugsi sare: Jamaal Cabdinasir
2007-2010-kii Jaamacad ka dhigtay Magaalada London institute of H. Science.
Shaqooyin:
1995-1998-dii, Waxaa uu Macalin ka ahaa Iskuullada Bukaahri iyo Ramadan ee magaalada Muqdisho
1998: STN, Muqdishu, Soomaaliya
2000-2005-tii: Idaacadda iyo T.V-ga HornAfric, Mogadishu, Somalia.
2013-2015: Kalsan Tv, London
2015: Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
2017: La taliyaha Ra’iisal Wasaare Kheyre ee dhinaca Warbaahinta iyo wacyigalinta
Waxaa uu leeyahay 7 Caruur ah.
Cabdiqadir Nadaara waxaa la sheekeystay Cabdi Caziz Gurbiye,
Goobjoog News