U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Muxidiin Dacar “Waxaan U Mahadcelinaa Tababare Axmed Tahliil”

Sheeko:Cayaaraha

La Taliyaha Maamul Isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadr Muxiidiin Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay wax qabadka wanaagsan ay 2020 soo bandhigeyn Wasaarada Ciyaaraha,Xiriirka Kubbadda Cagta iyo kooxda Galmudug ee ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

“Waan u hambalyeynaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug,runtii shaqo adag ayay sanadka qabteyn,waxayna Galmudug taariikhda markii ugu horeesay ee heerka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu Goobjoog Sports u sheegay La Taliyaha Maamul Isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadr Muxiidiin Xaaji (Dacar).

Dhinaca kale la taliye Cabdiqaadir Dacar ayaa u mahadceliyay tababaraha kooxda Galmudug Axmed Tahliil Cali oo xakameeyay ciyaartii fiinaalka ee u dhaxaysay kooxaha Gobolka Banaadir Galmudug,ka dib markii ciyaartooyda Galmudug ay muran ka keeneen gool ku laad loo dhigay xidigaha Gobolka Banaadir,waxayna taas keentay in tababre Axmed Tahliil oo qanciyo ciyaartooydiisa kana hadlo in aysan sameenin wax buuq iyo rabshado ah oo jawi kale gelisa xamasada,balse go’aankaas looga mahadceliyay macallin Axmed.

“Aniga waxa aad iyo aad ugu mahadcelinaa oo bilad geesi mudan Tababaraha Galmudug Axmed Tahliil Cali oo dajiyay ciyaarta fiinaalka,runtii Macallin Tahliil waa geesi,waxaan lee yahay Mahadsanid 100^%” ayuu Goobjoog Sports u sheegay La Taliyaha Maamul Isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadr Muxiidiin Xaaji (Dacar).

Daawo Dacar Oo Amaanay Macallin Axmed Tahliil

Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Dheeri Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/dacar-horomar-wacan-macallin-daadir-amiin/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle