U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Niinje “Alxamdullilah Waan Ku Soo Laabanay Horyaalka Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Weeraryahanka kooxda kubbadda cagta Jeenyo Cabdiqaadir Shaiif Muqtaar (Niinje) ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay ku soo laabashada horyaalka Somalia Premier League ee fasal ciyaareedka 2020-2021.

Xirfadyahan Niinje waa laacibka kaliya ee ku haray Jeenyo marka loo eego xidigihii waaweynaa ee iminka ee lagu yaqiinay,balse wuxuu tani ku sheegay in uu isaga go’aansaday in uu waqti sare ku qaato kooxdiisa.

Weerayahan Niinje ayaa u mahad celiyay xidigaha da’yarta wanaagsan ee kooxda doorka wanaagsan ka qaadatay in ay ku soo laabtan mudo ka dib horyaalka Somalia Premier League,wuxuuna tani ku tilmaamay in la xasuusandoono horomarka iyo guulaha ay Jeenyo gaarsiiyeen.

“Shaqo adag ayaa loo soo maray ku soo noqoshada horyaalka Somalia Premier League, balse Allah ka sokow waxaa ku mahadsan da’daalka macallimiinta iyo ka go’naashada xidigaha oo lagu gaaray heerkan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiqaadir Niinje.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle