U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil “Arinta Mooshinka Jubbaland Waa Mid Lagu Degdegay”

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiyahii hore ee guddiga Datuurka baarlamaankii KMG ahaa Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in lagu degdegay mooshinkii shalay ee u codeeyay baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan diidmada golaha wakiiladda ee Jubbaland.

Waxa uu sheegay in sababta taasi uu u leeyahay ay tahay islamarkiiba natiijada ka dhalatay ee ah in Jubbaland ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka.

Mooshinkaasi ayuu sheegay in kuwo kale uu keenayo, sida Puntland iyo maamulo kale, waxaana uu tilmaamay in maamulada ay yihiin kuwo sharci darro ah.

“Baarlamaanka wax qabasho uma taallo, wax uu qaban karo maba jiraan, howshaan shalay ay qabteen natiijadeeda waa la arkay, waliba wax kasii fool xun ayaa laga sugayaa, Soomaaliya waa la’isku soo jiid jiidayay in ay kala fogeeyaan hadda ma ahayn, xitaa waxaa laga yaabaa iyaga dhexdooda in arrin cusub ay ka dhalato, waxaa la sugayaa in hadana ay Puntland mooshin ka keenaan, Koonfur Galbeed iyo kuwa dhismaya” ayuu yiri Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa sheegay in baarlamaanka marka hore looga baahnaa in hay’adaha shaqada ku leh u diraan, ayna geyn in mooshinkaasi loo codeeyo.

Goobjoog News