U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil “Mooshinadaan Socda Iyo Maamuladaan Dhismaya Waa Sharci Darro”

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiye ku xigeenkii guddiga Dastuurka Baarlamaankii KMG ahaa Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in qaab sharci darro ah ay ku socdaan mooshinada baarlamaanka la keynayo iyo sidoo kale maamulada hadda dhismaya oo uu sheegay in iyaguna ay ku dhismeyn qaab aan sharciga ahayn.

Waxa uu sheegay in baarlamaanka uu burburiyay qeyb ka mid ah qaanuunkii la dhigtay, waxaana uu tilmaamay in hadda la dareemayo fowdo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Arimahaan socda, mooshinadaan iyo maamuladaan dhismaya intaba waxa ay ku saleysan yihiin si qaldan oo nidmaad iyo mabaadii midna aan ku saleysneen, maamulada dhismaya waxa ay ku socdaan qaab sharci darro ah, mooshinada baarlamaanka wado waxa uu ku socdaa Sharci darro wixii dhan fowdo ayeey isla noqdeen, waxaas oo dhan waxaa qaadaya baarlamaanka oo hareer maray sharcigii ama qaanuunkii wadanka u yaallay” ayuu yiri Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil.

“Baarlamaanka eed weyn ayuu leeyahay oo ku saabsan qaanuunkii la dhigtay uu burburiyay taasi oo ku aadan maamul gobaleedyada la sheeg sheegayo, qodobka 49-aad waxa uu sheegayaa in baarlamaanka uu sameeyo guddi kasoo baaraan dega imise dowlad gobaleed ayuu wadanka qaadanayaa, marka Koowaad intaasi meel la’isla dhigaa, Federaalka isna waa in la is weydiiyaa yaa Federaal ah, qaanuun ayaa la dhigayaa buug ayaa lasoo saarayaa markaas ka dib qaanuunka ayaa horkacaya oo sheegaya sidaas ayaa wax loo qabanayaa, wuu farayaa buugaan hadda la haysto baarlamaanka qaabkii loo mari lahaa howlahaan, waxaas oo dhan baarlamaanka waa uu iska indho tiray, tan kale mooshinka ay hadda wadaan yeey ka wadaan, sharci la jabiyay ayaa laga keenaa, maamulka ay mooshinka ka keeneen ma sharciyeesan yahay, miyeey u codeeyeen, qaanuun u degsanaa miyuu qalday, hadii ay taas tahay wey saxan yihiin, laakiinse markii horeba hadii aysan iyagu dhisin ama aysan sharciyeen wax ay mooshinka u keenaan maba jiro” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahaan dambe ka doodayay mooshin laga keenay Baarlamaanka maamulka Jubbalan, xilli dood ay ka taagan tahay dhismaha baarlamaankaasi.

Goobjoog News