U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Siidii “Dadka Kaliya Ee Qaxootiga Yemen u Gurman Kara Waa Ganacsatada”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo u waramay Goobjoog News ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon ee loogu gurman karo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Waxa uu sheegay Siidii in hadda dadka ugu haboon ee dadkaasi u gurman karo ay yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay in hadda iyaga gacanta ugu horeysa ee badbaadinta dadkaasi ay fidin karaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ganacsatada ayaa looga baahan yahay hadda in dadkaasi ay u gurmadaan, in ay xeebaha tagaan, in ay maraakiib kireeyaan, raashiin ugu deeqaan dadkaasi dhammaan wey awoodaan” ayuu yiri Siidii.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in iyagu ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii dadkaasi loogu gurman lahaa, islamarkaana ay dhexda u xiranayaan soo dhaweynta dadkaasi.

Ugu dambeyn ayuu gudoomiye Siidii waxa uu ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya in ay dhexda u xirato sidii ay kusoo badbaadin lahayd dadkaasi Soomaaliyeed, islamarkaana ay dadaal ku bixiso sidii ay ku heli lahayd qarash walba oo dadkaasi ay u baahan yihiin in dalka lagu keeno.

Goobjoog News