U bood dhigaalka

Cabdiqaasim Salaad: Dalkeenna Meel Nooga Fiican Ma Heleyno, Ee Dowladda Ha Lala Shaqeeyo

Sheeko:Dalka

Mudane Cabdiqasim Salaad Xasan, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu ku noolaado gudaha Soomaaliya.

Mr. Qaasim oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Annagu dalkeenna waan rabi laheyn meel nooga fiicanna maheleyno,waan imaaneynaa horanna waan u nimid,anigu waan imid dalka “

Madaxweyne Cabdiqaasim waxaa uu dhanka kale ka hadlay waxa keenay dhibaatooyinka dalka ka jira “Waxaa dhibaatada keenay waad ogtihiin dalka, waa dadkii lagu leynayay iyo dhibaatadii taagneyd waxay culeys ka dhigtay ku soo noqoshada ayey culeys ka dhigtay”

Ugu dambeyntii mudane cabdiqasim Salaad Xasan, waxaa uu soo jeediyay tallooyin  ay ka mid tahay in dowladda lala shaqeeyo“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan kula talinayaa in ay ilaaheyn baryaan,ciqaab waxaa nagu dhacday oo annagu geysannay oo tiro badan, ka bacdii markii ilaahey la baryo oo la toobad keeno ilaaheyna wuu naga qaadayaa waxaan rajeynayaa in la dadaallo o gacmaha la is qabsado dowladda joogtana lala shaqeeyo si nabad gelyo ahna waqtiga loogu dhameeyo dowladda.

Goobjoog News