U bood dhigaalka

Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye ayaa ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada Guddoomiyaha baarlamaana Koofur Galbeed isagoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed kadib markii uu helay 109 cod halka Cali xasan helay 33 cod.

Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ah 149 ayaa waxaa ay ahaayeen ilaa 144 mudane. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka gala xarunta doorashada lagu qabanayo la dhigay ciidamo badan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Waxaa u tartamay

Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye

Cali Xasan Cusmaan

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad:

Ibrahim Xasan Buulle

Maxamed Nur Macalin

Gudoomiye ku xigeenka Labaad waxaa u tartamaya

Aweys Xuseen Macalin

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena

Doorashada Sheekhuna Maye waxaa ay dhameystir u tahay maamul Koofur Galbeed oo muddo soo jiitamaayey.

Dhismaha maamulka maamulka Koonfur Galbeed

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka waxay xil iska raastay dhisidda iyo dhameystirka maamulka koonfur galbeed oo in mudaha xukuummadihii ka horeeyay ay isku xilqaameen iney dheseen ayna noqotay shaqo tixane ah laga soo bilaabo markii arinka maamul u sameynta gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose la unkay December 2013.

Sameysanka maamulka koonfur galbeed ayaa ku yimid dadaalo iyo safari isdaba joog ah oo madaxweynaha, wasiirka rimaha gudaha ay ku bixiyeen gobolka iyo kulamo badan oo ay la qaateen odoyaasha dhaqanka ayaa keentay in ay heshiis ku gaaraan maagaalada muqdisho dad kala aragti duwaana oo ku sugnaa gobolada maamulka koonfur galbeed kuwaa oo ay hogaaminyeen siyaasiyiin iyo odoyaan daqameedyo, ugu dameyn dadaal dheer ka dib Jun 23, 2014 waxay xarunta madaxtooyada soomaaliya ku saxiixden heshiis lagu dhisayo maamulka koonfur galbeed kaa oo gaarsiinaya dowlad goboleed leh baarlamaan oo doorta madaxweynaha maamulkaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya waxay halkaa sii waday dadaaladii dhisidda maamulka koonfur galbeed waxayna ku guuleysatay iney ergadu ansixiyaan dastuur uu yesha maamulka koonfur galbeed November 7, 2014.

Dadaalada siyaasadeed ee maamulka loogu sameynayay gobolada bay, Bakool iyo shabeelaha hoose waxay socdaan oo halkaan ay ku tagaan safaro wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladda inteeda kale waxay ku guuleysteen iyaga oo kaashana dadweynaha, wagarad ka goboladaas in ay soo xulaan ergo ka koobneed 396 xubin oo ka kala socday qabaa’ilka degan gobolkaas waxayna madaxayne ku meel gaar ah  u doorteen Shariif Xasan Shiekh Aadan Nofeembar 17, 2014.

Kadib mar kii wasiirka arrimaha Gudaha loo magacaabay Cabdiraxamaan Odowaa waxa uu safari badan ku tagay maamulka koonfur galbeed si loo dhameytiro dhisidda maamulka loona helo baarlamaan ay u dhanyihiin dadka dagan goloada shabeelaha hoose, Baay iyo Bakool, wasaardda arimaha gudaha iyo federaalka waxay dardar gelisay sidii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed si loo hormariyo loona dhameystiro maamulka, waxayna ka gaartay wasaarada arimaha gudaha guul la taaban karo iyada oo la dhaariyay qeybtii ugu horeysay xildhibaanadda uu yeeshay maaaulka koonfur galbeed December 8, 2015, kuwaa oo gaarayay 89 xildhibaan.

January 3, 2015: Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye ayaa ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada Guddoomiyaha baarlamaana Koofur Galbeed kadib markii uu helay 109 cod halka Cali xasan helay 33 cod.