U bood dhigaalka

Cabdiqani Saciid Carab“Madaxda Qaranka Waan U Gudbinay Imaatinka Gudoomiyaha Xiriirka Xubbadda Cagta Caalamka Gianni infantino”

Sheeko:Cayaaraha

Guudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay imaatinka Soomaaliya gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA Gianni infantino in uu u gubiyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwaasare Khayre.

26 February 2016-ayaa Infantino loo doortay jagada hogaaminta xiriirka kubbadda cagta caalamka wuxuuna xilkaas kala wareegay Sepp Blatter oo Hogaaminta Fifa hayayintii u dhaxaysay 1998 ilaa 2015.

Markii la doortay Gianni infantino waxa uu safaro shaqo iyo booqasho kala duwan ku kala bixiyay wadamada qaar ee Afrika tusaal u ahaan waxa uu booqday South Sudan,Jabuti,Ethiopia,Kenya waxaana waqtigaas jadwalka ku jirtay in Soomaaliya uu soo gaaro,balse cilado farsamo ayuu ugu baaqday imaatinka Soomaaliya.

“Marka kasta waxa uu ku mashquulsan yahay sida loo horomarin lahaa kubbadda cagta caalamka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya iyo sidii wax looga badilahaa laguna kordhin lahaa aragtiyo cusub qorshayaasha uu iminka diyaarinayo Infantino waxaa ka mid ah sida loo taageeri lahaa wadamada dalkeena oo kale taasna waan ugu mahad celinaynaa”sidaas waxaa yiri gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab.

2017-Gudoomiyaha xiriirka kubbadda caalamka waxa uu dalka Gabon ku daawaday kulan ka tirsanaa koobka qarmada Afrika 2017 waxaana kulanka dhex dhexaadiyaal ka ahaa afar ka mid ah garsooryaasha heerka caalami ee kubbadda cagta dalka,isagoo amaanay qibarada iyo xifrada garsoorayaasha Soomaaliya waxaana kulankaas dhex dhexaadiye ka ahaa garsoore Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ah gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir.

15-November 2018-Doorashadii 7-aad ee xiriika kubbadda cagta dalka oo ka dhacday Muqdisho ayaa markale waxaa dib loo doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horay u ahaa gudoomiyahaya, isagoona  iminka sii hayndoono jagada xafiiska xiriirka k.cagta inta laga gaarayo sanada 2022.

Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Cabdiqani Saciid Carab markii dib loo doortay Bishii November.


“Mudane gudoomiye ii ogolaaw in aan kuusoo diryo hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad gudoomiye kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri Giano Infantino.


“Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay,waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. waxaan kaa sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu gudoomiyaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Sacid Carab.

Hogaanka xiriirka kubabdda cagta caalamka ee FIFA iyo kan dalkeena Soomaaliya waxaa ka dhaxeeyo calaaqaad wanaagsan waxaana gudoomiye Cabdiqani uu sheegay in madaxda qaranka uu u gudbiyay imitaanka Soomaaliya ee Giano Infantino.

“Sidee kol hore loo soo dhaweeyay gudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika Axmed Axmed ayaa iminkana loogu diyaar garoobayaa imaanshiyaha Giano Infantino ee Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa gudoomiyahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Isku soo wada duub dad badan ayaa u arka booqashada madaxda FIFA ee dalka in ay tahay fursad kale oo ku aadan horomarinta kubbadda cagta iyo guud ahaan guud socodka wanaagsan ee isboortiga Soomaaliya

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Giano Infantino

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2129825543707042/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle