U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan C.Warsame “Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya”.

Sheeko:Dalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, ayaa sheegay in uu doono in jimciyadda qurumaha ka dhaxeyso uu la wadaago xaaladda abaaraha Soomaaliya.

Warsame oo la hadlay wakaaladda AFP, ayaa sheegay in uu News York uu u jimid sidii indhaha caalamka uu ugu soo jeedin lahaa xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta dalkeenna.

“Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Warsame.

Dad fara badan oo Soomaali ah ayaa ay saameysay abaarta ku dhufatay gobalada dalka, xilli tan iyo markii uu madaxweynaha Soomalaiya uu magacaabay Ergaygan uu booqday qaar kamid ah gobalada, si uu uga soo warbixiyo baaxadda abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Sikastaba Soomaaliya ayaa waysay afar xilli roobaad oo la soo dhaafay roobabkii la filayay, waxaana cirka isku shareeray sicirka nolosha dadka.

Goobjoog News