U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Goobjoog u Sheegay Shuruudo uu Ku Xiray La Kulanka Farmaajo

Sheeko:Dalka

Xisbiga Wadajir oo ka tirsan axsaabta qaran ee dalka ka jira ayaa qaadhacay kulan uu maanta ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo hordhigay shuruudo.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xisbigooda aaney qeyb ka aheyn xisbiyada u tagaya Farmaajo, isaga oo dalbaday 3 arrin:

1. Inuu Farmaajo umadda u caddeeyo in aysan macquul aheyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhawaaqo inuu uu diyaar u yahay in saamilayda siyaasadeed ka wada xaajoodaan model-ka iyo hannaanka ugu haboon ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda.

2. In uu Farmaajo si cad afkiisa uga ballan qaado shacabka Soomaaliyeed in uu san hal maalin ku darsanaynin muddo xileedkiisa, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynahana la qabanayo xilliga uu muddo xilleedkoodu ku eg yahay.

3. In uu Farmaajo cudurdaar iyo magdhaw ka bixiyo weerarkii 17 Dec uu ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir/

Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha axsaabta la ballamiyey saaka, waxaa ay Villa Somalia tagayaan iyada oo aan loo sheegin wax ajende ah, oo waa fariin uu soo diray uun agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade.

Goobjoog News