U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Ceynte Oo Noqday Agaasimaha Qorsheynta Xafiiska QM Ee Bariga Dhexe

Sheeko:Dalka

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa  Goobjoog News u  sheegay in uu ku biiray xafiiska Qaramada Midoobey ee bariga Dhexe.

Mr. Ceynte waxaa uu sidoo kale iska casilay safaaradda Soomaalida ee UK  arrimo la xiriira dowladda federaalka ah oo bixin-weysay miisaaniyaddii loogu talagalay furitaanka safaaradda.

Mr. Caynte  waxaa xilkan u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo bishii June ee sanadkan.

Saddexda Danjire ee uu Madaxweynaha magacaabay Bishii June Ayaa Kala Ahaa:

  1. Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga. Jaamac ayaa ah waji ku cusub siyaasadda gaar ahaan hawlaha dibloomaasiyada, wuxuuna ka tirsanaa ololihii Madaxweyne Farmaajo. Jaamac ayaa hore ugu hungoobay in uu ka mid noqdo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.
  2. Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynteayaa loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK. Caynte waxa uu ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladii ee madaxweynaha ka ahaa mudane Xasan SheekhMaxamuud, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.
  3. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle). Abuukar ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN) u joogi doona Soomaaliya. Abuukar ayaa 3 biloodoo keliya ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xilligii uu Farmaajo ahaa Ra’iisal Wasaaraha dawladii Madaxweyne Shariif SheekhAxmed. Waxaa isagana lagu tiriyaa saaaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Goobjoog News