U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Ceynte oo La Kulmay Wasiirada Qorsheynta Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Wasiirka qorsheynta qaranka Mudane Cabdiraxmaan Ceynte ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada qorsheynta ee Puntland, Jubbaland, Southwest iyo Galmudug.

Waxaa kaloo kasoo qayb galay Rugta Ganacsiga, Ururka Dhallinyarada Qaranka iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Waxay dadkaasi qayb yihiin Golaha Wadatashiga ee Qorshaha Qaranka oo ahaa ujeeddada kulanka.

Waxaan isla gartay in wadatashiga heer shacab uu bisha socota soo afjarmi doono, bilaha xigana qoraalka Qorshaha Qaranka la guda gali doono. Waxaa jira rabitaan xoog leh oo ah in ahamiyadaha hortabyada leh si qaran loo qaato.

Goobjoog News