U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cirro: ” Heshiis La Keenay Ma jiro, Wax Ansaxayna Ma Jiraan”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in baarlamaankii la afduubay wax heshiis ah oo la meelmariyayna aanuu jirin.

Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland oo goobjoog ka ahaa kulankii maanta la sheegay in lagu meelmariyay heshiiska Imaaratka ee saldhigga milatari ayaa saxaafadda u sheegay in la afduubay kulankuna uu ahaa mid sharcidarro ah, wixii kasoo baxayna aaney sax ahayn.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay iney jiraan xildhibaanno la xiray iyo kuwo kale oo la dhaawacay, kuwaas oo ka soo horjeeday heshiiska Imaaratka loogu ogalaanayo saldhiga milatari.

Guddoomiye Cirro ayaa ka hadlay heshiiska oo uu ku tilmaamay mid aaney waxba ka jirin:

“Xildhibaannada Saddex waa la xidhay illaa Lix xildhibaanna wey dhaawacan yihiin, Ummadda ayaan usoo bandhigeynaa wixii halkan ka dhacay, heshiis maaha ee waraaqdaa Af-Soomaaliga ku qoran weeye wax saxeex ahina kuma yaallo, markaa heshiis maaha”.

Waxa uu xusay in golohooda la afduubay isagoo bulshada ugu baaqay iney baarlamaanka u soo gurmadaan:

“Arrintaa waxaan u aragnaa gole la afduubay, heshiis la keenayna majiro, wax ansaxayna majiraan, maxkamadda sare ee ciddii kale ee loo gudbinayaba xaqbay u leeyihiin xildhibaannadu, bulshada xalay halloosoo gurmado baarlamaanka ayaa iri, maanta waxaan leeyahay halloosoo gurmado”.

Kulan si wadajir ah ay u yeesheen baarlamaanka Somaliland oo uu kasoo qeybgalay madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay iney lagu meelmariyay heshiis dowladda Imaaratku ay saldhig milatari uga furaneyso Somaliland.

Goobjoog News