U bood dhigaalka

Cabis Weyn Oo Laga Qabo Fatahaad Beledweyne Iyo Jowhar

Sheeko:Amniga

Roobab ka da’aya Buuralayda Itoobiya, ayaa sababay in uu soo buuxsamo Wabiga shabeelle, taa oo sare u qaadday cabsida laga qabo in uu Webiga sameeyo fatahaado.

Degmooyinka Beledweyn iyo Jowhar uu maro Wabiga Shabeelle ayaa heerka Wabiga ayaa sare u
kacayay maalinba maalinta ka danbeysa taas oo hadda ka dhigan in cabsida laga qabo qatar fatahaadeed oo dhacda in ay tahay mid aad u sarreysa.

Saadaasha Roobabka Itoobiya labada toddobaad ee soo socota ayaa tilmaameysa in Buuralayda uu ka soo bilaabmo Wabiga Shabelle ay ku di’i doonaan Roobab aad uga badan qiyaasti ay hore u heli jirtay. Taas oo sare u qaadeysa baaxadda biyaha soo galaya Wabiga iyo qatarta fatahaadda,Sidaa darteed, 72 da saac ee soo socota ayaa waxaa laga cabsi qabaa in degmooyinkaasi uu Wabigu ku

fataho, taas oo saameyn ku yeelan karta hab nololeedka dadka iyo duunyadaba.
Hadaba, waxaan uga digaynaa bulshada ku dhaqan hareeraha wabiga in ay qaadaan tallaabooyinka
muhiimka u ah badbaadada naftooda iyo hantidoodaba.

Ujeedka aan warbixintan idinla wadaageyno waxey tahay la xoojiyo diyaar garoowga bulshada, in la isku
dayo in la yareeyo saameynta ay fataahadda ku yeelan karto nafta iyo maalka dadka ku nool meelaha ay
halista ka jirto.

Iyadoo ay wali jiraan saameynta fatahaadaha ee bishi la soo dhaafay ka dhacay degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayaa waxey wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) ugu baaqeysaa
hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaalad kale oo soo
cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan Magaalooyinka uu Webiga Shabelle maro.

Xarunta Qaran ee ka digista Halis-wadareedka waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladahaan, waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda.

Halkan Ka Daawo Warbioxin Ku Saabsan Cabdsida Laga Qabo Fataahadaha

Goobjoog News