U bood dhigaalka

Cabdiweli: Dhismaha Maamulka Koofur galbeed halagu dhameeyo si cadaalad ah

Sheeko:Dalka
RW Cabdi weli Sheekh
RW Cabdi weli Sheekh

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka degan gobolada SHabeellaha hoose, Baay iyo Bakool si caadalad ah ay uga qayb qaadan doonaan maamulka dhismahiisa uu ka socdo magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Cabdiwali Shiikh ayaa hadalkan ka hor jeediyay siyaasiin, wax garad iyo xildhibaano ka qayb galayay daah furka shir ujeedkiisu uu yahay dhismaha maamul ka kooban saddex gobol.

Waxa uu sheegay ra’iisul wasaaruhu in wax kasta loo baahan yahay in lagu dhameeyo wada hadal iyo isfahan.

Cabdiweli Sheekh ayaa shalay magaalada Baydhabo ka furay shirka looga hadlayo aayaha gobolada koofur galbeed ee dalka.

Hoos ka dhageyso codka ra’iisal wasaare Cabdiweli: