U bood dhigaalka

Puntland iyo Imaaraadka Carabta oo Boosaaso heshiis ku kala saxiixday

Sheeko:War

gaas2Madaxweynaha maamulka Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu booqasho gaaban ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaas ayaa magaalada boosaso u tegey inuu la kulmo wafdi uu hogaaminaayey safiirka dowladda Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan madaxda qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee Imaaraadka.

Heshiisyo ku qotama maal-gashi ayay madaxda shirkaddaha iyo dowladda Imaaraadka Carabta lasaxiixdeen Puntland si ay malgashi ugu sameystaan deegaanda Puntland.

Ka dib markii uu soo gabagaboobay kulanka ayaa madaxweyne Gaas wuxuu saxaafadda kula hadlay magaalada Bosaaso.

Halkan ka dhageyso shirka jaraa’id oo uu madaxweyne Gaas kaga hadlay arimo badan.