U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas oo kulan wada tashi la yeeshay xildhibaanada Puntland uga jira barlamaanka Federaalka

Sheeko:War

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo xildhibaanada ka soo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira barlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka oo ahaa mid wada tashi ah oo ku aadan qaabka ugu haboon ee loo wajihi karo khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya,iyadoo  madaxweyne Gaas uu ugu mahad celiyey xildhibaanada sida ay uga jawaabeen codsigii ahaa in ay yimaadaan Garoowe.

Xildhibaanada ayaa dhankooda ballan qaaday iney maamulka kala shaqeynayaan dhaqan gelinta go’aannada ka soo baxa wadatashiga.

Madaxweyne Gaas ayaa u yeeray dhamaan xubnaha ka soo jeeda deegaannada Puntland ee kujiro Golayaasha dowladda federaalka, ka dib markii dowladdu marti gelisay heshiis maamul mideysan loogu sameynaayo gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaas oo Puntland ay sheegtay inaan lagala tashan.