U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas Oo Lagu Dhaliilay Wax Qabad La’aan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo sidoo kale xubnaha maamulkaasi hogaanka u ah ayaa lagu dhaliilay wax qabad la’aan mudadii ay xilkaasi hayeen.

Siyaasi Daahir Cabdiqaadir Muuse Ciiro oo ah gudoomiyaha golaha wada tashiga iyo Sarreynta Sharciga ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Puntland ay ku fashilmeen hogaaminta Puntland, laga soo bilaabo Madaxweyne Gaas.

Maamul xumo ayuu sheegay in ay ragaadisay Puntland, islamarkaana marka la eego dastuurka Puntland uu dhigayo in hadii madaxda ay fashilanto laga doonayo in talada ay shacabka kusoo wareejiyaan.

Sidoo kale Ciiro ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay yihiin kuwo aan hadda awood badan u lahayn hogaaminta maamulkaasi, sidaa darteedna laga doonayo in xilka ay iska wareejiyaan si loo badbaadiyo shacabka Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay Ciiro in hogaanka hadda talada haya ay lunsadeen dhaqaalihii Puntland, ciidankii iyo shaqaalihii maamulkana aysan haysan wax qarashaad ah muddo aad u badan.

Hadalka siyaasiga Daahir Ciiro ayaa imaanaya xilli xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland ay wadaan abaabulka Mooshin ka dhan ah maamulka Gaas.

Goobjoog News