U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas Oo Qardho Gaaray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo xubno la socda ayaa maanta waxa ay tageen magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Gaas oo saxaafadda kula hadlay Qardho ayaa faah faahin ka bixiyay uljeedka uu halkaasi u tagay, iyo sidoo kale qorshaha maamulkiisa uu damacsan yahay.

Waxa uu tilmaamay in halkaasi uu kula kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana uu u tagay arimo ku saabsan wadatashi iyo in uu kormeero magaalada.

“Waxaa farxad ii ah inaan imaado Qardho, socdaalkaan waxa uu ka mid yahay kuwii aan gobalada ku mari jiray, si dadka loo ogaado xaaladooda nololeedm midda amni, Bulsho, dhaqaale iyo mid hormarineed intaba, uljeedaduna waa wada tashi iyo iska warqab, dadkuna la wareyso, lana helo isku soo dhawaansho xukuumadii iyo shacabkii” ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in qorshaha maamulkiisa uu yahay dadka oo dhami ka wada qaataan isbedal uu sheegay in xilligaan uu socdo, waxaana uu tilmaamay in hadda la dareemayo ifafaalo muujinaya in Puntland guul ay gaartay

Goobjoog News